Gumaystaha Yahuudda ayaa duqeymo cirka ah ku bartilmaameedsatay goobo kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza, iyadoo la filayo saacadaha soo socda inay bilaabmaan wadaxaajood aan toos ahayn oo ku saabsan soo jeedin xabbad-joojinta la filayo inay ka hirgasho marinka go’doonsan ee Qazza.
Wararka maanta oo Axad ah naga soo gaaraya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in diyaaradaha aan aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ay weerar ku qaadeen guri ku yaalla xaafadda Sheekh Ridwaan ee waqooyiga magaalada Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday 12 qof oo rayid ah, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.
Afar qof ayaa sidoo kale ku shahiiday duqeymo ay diyaaradaha cadawga Sahaayinada Yahuuddu la beegsadeen guri ku yaalla xaafadda Attuffaax ee bariga magaalada Qazza.
Dhinaca koonfureed ee Marinka Qazza, diyaarado ay leeyihiin Yahuudda ayaa duqeeyey teendho ku taalla deegaanka Al-Mawaasi, ee galbeed magaalada Khaan Yuunis, ee Koonfurta marinka, hawlwadeennada dhanka caafimaadka ee ka hawgalo xarunta caafimaadka ee Naasir ee ku taalla magaalada Khaan Yuunis ayaa sheegay, in labo qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymahaas kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Inka badan 20 qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday duqeymo ay Yahuuddu ka fulisay deegaanno kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza tan iyo saqdii dhexe ee xalay, halka ugu yaraan 78 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymihii ay Yahuuddu ka fulisay marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay oo Sabti ahayd.
Geesta kale, muqaawamada Falastiin ayaa baahisay muuqaalka weerar dhawaan lagu beegsiga askarta iyo gaadiidka gaashaamna ee Yahuudda, kaas oo ka dhacay bartamaha magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.
Muuqaalkankan ayaa qaybahiisa hore waxaa lagu arkayaa dagaal-yahannada ka tirsan muqaawamada Falaatiin oo labo kamida gawaarida gaashaaman ee Yahuudda ku tuuraya miinooyinka gacanta ee lid ku ah taangida, iyagoo masaafo dhaw u jira, taasoo keentay inay gabi ahaanba basbeelaan labadii taangi ee Yahuudda, kuwaas oo kamid ahaa noocyada loo yaqaanno Mirkaafaha oo ay aad u isticmaalaan ciidamada Yahuudda.
Intaasi kadib waxaa fiidiyowgan lagu arkayaa dagaal-yahannada muqaawamada Falastiin oo rasaas oodda ugu qaaday xubno ka tirsan askarta Yahuudda oo u muuqday kuwa ku dhaawacmay qaraxa miinada.
Qaybaha danbe ee muuqaalkan xiisaha badan ee ay baahiyeen muuqaawamada Falastiin ayaa waxaa lagu soo bandigayaa millatiraga muqaawamada oo gantaalka qoriga Al-Yaasiin 105 la beegsanayo saddax kamida gawaarida ciidanka daabulo ee Yahuudda, kuwaas oo duulaan cadawtooyo kusoo galay isla magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.
Gumaystaha Yahuudda oo caan ku ah qarinta khasaaraha rasmiga ah ee soo gaara askartiisa ayaa qirtay, in dagaaladaani looga dilay hal askari, halka looga dhaawacay Afar kale oo mid uu ahaa taliye horin.