Saturday, June 28, 2025
HomeAll NewsDuqeymo ka Dhacay Qazza & Muqaawamada oo Baahisay Muuqaalka Weerar ka Dhan...

Duqeymo ka Dhacay Qazza & Muqaawamada oo Baahisay Muuqaalka Weerar ka Dhan ah Yahuudda.

Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa maanta duqeymo horleh la beegsaday dad barakacayaal ah, guryo ay leeyihiin dad rayid ah iyo gooba isku imaatinno ah oo ka tirsan marinka Qazza, waxaana duqeymahaasi ay sababeen shahiidka iyo dhaawaca dad fara badan oo rayid ah, kuwaas oo daba socday dhowr xasuuq oo shalay loo geystay dad rayid ah, iyadoo ciidamada gumaystaha Yahuudda ay saacadihii lasoo dhaafay soo saareen awaamiir ay ku barakicinayaan dadka deggan dhowr goobood oo ku yaalla bartamaha marinka Qazza, iyagoo isku diyaarinaya weerar ay ku laayaan dad shacab ah.

Deegaannada ay maanta duqeeyeen diyaaradaha cadawga Yahuudda waxaa kamida magaalada Qazza, deegaanka Jabaliyal-Balad, magaalada Khaan Yuunis ee konfurta marinka Qazza, deegaanka Al-Mawaasi ee ee galbeedka magaaladaasi iyo deegaanka Netzariim ee galbeedka magaalada Qazza.

Wadarta guud ee dadka ku shahiiday duqeymahaas ama ku dhaawacmay ayaa inta la xaqiijiyay waxa ay gaarayaan illaa Sodon ruux oo shacab ah, iyadoo ay jiraan dad kala oo dhaawacmay oo an tira-dooda lala wadaagin saxaafadda.

Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa shaaca ka qaaday, in ku dhawaad ​​100 qof ay ku shahiideen duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan marinka Qazza maalintii shalay oo Jimco ahayd.

Geesta kale, muqaawamada Falastiin ayaa baahisay muuqaal laga soo qaaday weerar dhawaan lagu laayay askar badan oo Yahuud ah oo ka dhacay koonfurta marinka Qazza, kaas oo wali hadal hayntiisa laga dareemaya warbaahinta caalamka.

Kamiinkan oo qayb ka ah silsilado camaliyaad ah oo ay muqaawamada Falastiin ugu magac dareen “Xijaaratu Daawuud”, ayaa lagu beegsaday laba ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Yahuudda, kuwaas oo duulaan cadawtooyo oo lagu dhibaataynayo dadka rayidka ah kusoo galay magaalada Khaan Yuunis ee ee koonfurta Marinka Qazza.

Daqiidaha hore ee fiidowga waxaa lagu arkayaa gadiidka gaashaman ee Yahuudda oo si khabar moog ah usoo galaya goobta ay kamiin kaga jiraan rag ka tirsan dagaal-yahannada muqaawamada Falastiin, kuwaas oo isku dhaarsaday inay askarta Yahuudda ka waraabiyaan miriha kharaar ee ay beerteen.

Kahor intaysan dhacin camaliyadda waxaa fiidiyowga kasoo muuqanaya dagaal-yahan ka tirsan muqaawamada Falastiin oo si ay ku dheehan tahay isdhuldhigid u baryaya Allaah SWT dhanka kalana sii dhiiranaan iyo geesimo leh fariin kulul ugu diraya ciidamada kayyaanka Yahuudd.

Intaasi kadib dagaal-yahannada muqaawamada Falastiin ayaa gawaarida gaashan ee Yahuudda ku beegsanaya miinooyinka dhulka lagu aasa, kuwaas oo waddada loogu sii diyaaray, kadibna waxay dagaal-yahannada muqaawamada Falastiin walxaha qarxa ku xirayaan gawaarida Yahuudda, iyadoo markii ay ku qarxiyaan kadib uu dab xooggan ka kacaya gawaarida cadawga Yahuudda.

Sida aan horay idinkugu soo tabinay, waxa ay camaliyaddan najaxday sababtay dhimashada sarkaal iyo lix askari oo Yahuud ah, kuwaas maydkooda laga soo saaray gawaarida iyagoo jasadkooda uu gubtay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay qirteen ciidamada Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.