Sacadihii lasoo dhaafay waxaa Koonfurta wadanka Lubnaan ka dhacday duqen ay fulisay Yahuudda oo beegsatay labo qof oo shacab ah.
Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Lubnaan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in labo ruux galabnimadii shalay lagu dilay magaalada Cayntaata ee katirsan gobolka An-Nabadhiyah ee ku yaalla Koonfurta wadankaasi.
Waqti sii horreeyay ayaa sido kale wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan waxay sheegtay, in duqeyn ay Yahuuddu ka fulisay magaalooyinka dhaca Koonfurta Lubnaan ay dishay 3 ruux.
Isku soo wada duuboo 24 saac ee lasoo dhaafay waxay Yahuuddu Koonfurta Lubnaan ku dileen 5 ruux, taasoo muujineysa baaxadda ay leeyihiin xad gudubyada ay ciidanka Sahaayinadu ka wadaan halkaasi.