Maalintii shalay waxaa duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay dil loo geystay nin darawal ah, waxaana faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dilkiisa.
Darawalka oo lagu magacaabi jiray Xuseen Yuusuf Deereed ayaa waxa ay ehelkiisa sheegeen in dilkiisa uu ka dambeeyay gudoomiye waaxeed katirsan deegaanka Gubadleey ee Muqdisho.
Waxa ay tilmaameen in sababta loo dilay wiilkooda ay aheyd inuu si qasab ah ku codeeyo, iyagoo dalbaday iney cadaalad helaan.