Ehellada dhalinyaro ku xiran Sucuudiga oo dil sugayaal ah kuna sugan dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa walaac ka muujiyay masiirka wiilashooda.
Dadkaan oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen, in dhalinyarada ka xiran oo muddo usbuuc kadib ah uu qorshuhu yahay in la dilo ay aad uga walaacsan yihiin arrinkaas.
Muddo usbuuc ah ayay sheegeen iney ka harsan tahay mudadii loo qabtay in wiilashooda la toogto, iyagoona codsaday in laga soo badbaadiyo gacanta Sucuudiga.