Ganacsadaha caanka ah ee Eloon Maski ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay, in uu aasaasay xisbi siyaasadeed cusub oo uu ugu magacdaray “Ameerika Baati”, isaga oo ku tilmaamay inay tahay jawaab ku wajahan nidaamka labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee xilligan siyaasadda Maraykanka ku loolamaya. Arrintan ayaa timid toddobaadyo kaddib markii khilaaf adag uu soo kala dhexgalay isaga iyo Doonal Taraam.
Eloon Maski oo uu horay jago ugu magacaabay Doonal Taraam ayaa hada bartiisa “ X ” ee horay loo oran jiray Tiwiitarka ku sheegay, in shacabka Maraykanku ay si weyn ugu baaqayaan isbeddel dhab ah, isagoo yiri: “Marka la eego natiijada codbixinta, 2dii qofba hal qof wuxuu doonayaa in la sameeyo xisbi cusub, sidaas darteed waxaan hirgalin doonaa rabitaanka shacabka”
Maalqabeenkan oo horay taageere wayn ugu ahaa nidaamka Doonal Taraam xiligii doorashada, isaga oo ku bixiyay in kabadan 250 Milyan oo Doollar, ayaa haatan u muuqda mid gabi ahaanba kasoo hor jeeda maamulka Taraam, wuxuuna marar badan sheegay, in nidaamka Taraam uu dalka Maraykanka galiyay qalalaase siyaasadeed iyo musuq maasuq aad dhamaanayn.
Inkasta oo ninkan uu si cad ugu dhawaaqay Xisbigiisan cusub, haddana weli lagama helin wax caddayn ah oo rasmi ah oo muujinaysa in xisbigaas laga diiwaangeliyay guddiga doorashooyinka ee heerka federaalka. Sidoo kale, ma cadda cidda rasmiga ah ee hogaamin doonta xisbigan cusub, qaab-dhismeedkiisa iyo xilliga uu sida rasmi ah ugu biiri doono tartamada siyaasadeed ee dalka.
Ku dhawaaqista Xisbigan ayaa u muuqata mid kor u sii qaadaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta gudaha Mareykanka, gaar ahaan marka la eego saamaynta weyn ee Eelon Mask uu ku leeyahay bulshada, warbaahinta iyo dhaqaalaha dalka, taas oo ay falanqeeyayaashu ku tilmaameen inay keeni karto in Maraykanku uu galo isbaddel siyaasadeed oo wax ka badala hanaanka dalkaas.