Dhawaan waxaa xerada Xalane ka dhacay shir ay yeesheen masuuliyiin ka socotay Dowladda Mareykanka iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, kaas oo ay uga hadleen guuldarrooyinka ka heysta dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Injineer Idiris Xassan Faarax oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo u dhuun daloola xaaladda dalka ayaa waxa uu qiimeyn ku sameeyay, sawirrada laga soo qaaday shirka ka dhacay Xalane, isagoona tilmaamay iney muujinayaan jabka iyo taagdarrida maanta heysata Mareykanka iyo Dowladda Fedaraalka.