Xukuumadda Asmara ayaa waxa ay shaaca ka qaaday, in Dowladda Xabashida ay ku jirto riyo maalmeed, loona baahan yahay iney ka toosaan riyada, iyadoo intaas ku dartay in Adis Ababa ay isku dhufsatay xisaabaad qaldan.
Yemane Ghebremeskel oo ah Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Eretrea ayaa waxa uu sheegay, in Itoobiya ay wali wado daandaansi ka dhan ah dalkooda, islamarkaana ay dooneyso iney si dhibyar ku qaadato badado aysan iyagu laheyn.
Hadallada kasoo baxaya xisbiga haya talada Itoobiya iyo qolyo uu ku tilmaamay jiho diid ay yihiin kuwa aan waaqici aheyn, islamarkaana ay doonayaan iney wax aanan socaneyn wax ku raadiyaan.
Waxa uu intaas ku daray, in Eretrea aysan marnaba xaraashi doonin qeyb kamid ah dhulkeeda, taas oo uu ku tilmaamay mid aan marnaba suurogaleyn.
Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Eretrea ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan madax tairsan Dowladda Xabashida Itoobiya ay marar badan ku celceliyeen, iney diyaar gareeyeen ciidankooda sidii ay xoog ugu qabsan laheeyn xeebaha badda cas, ayna la dagaallami doonaan ciddii ka hortimaada damacooda bad boobka ah.