Ergayga gaarka ah ee Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump qaabilsan Ukraine ninka lagu magacaabo Steve Witkoff ayaa shalay booqasha ku tagay dalka Ruushka, isagoo kulan saacado badan qaatay dalkaasi kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas Vladimir Putin, kaas oo ay oga wada-hadleen arimo ku saabsan xaalada Yukrayn.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee RIA Novosti ee ay dowladdu maamusho, wada-hadallada ayaa qaatay afar saacadood iyo soddon daqiiqo, kaas oo moqonaya kulankii saddexaad ee dhex mara Putin iyo Ergayga gaarka ah ee Trump.
Aqalka Kremlin-ka ee looga taliya dalkaaas, ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, in madaxweynaha Ruushka uu la kulmay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan Ukraine, Steve Witkoff, kulankaas oo diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan xalinta dagaalka ka holcaya Ukraine.
Horaantii shalay, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay, in bilowga kulanka uu ahaa mid ganacsi, isagoo tibaaxay, in labada nin laga yaaba inay ka wada hadlaan suurtogalnimada kulanka dhex mara Putin iyo Trump inta uu socdo kulanka.
Afhayeenka ayaana qiray, in uusan ka fileynin guulo diblumaasiyadeed oo ka soo baxa kulankaas, oo ah kii saddexaad ee dhex mara Putin iyo Witkov tan iyo bishii February.
Booqashada ergayga Trump ee Ruushka ayaa timid, kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio uu todobaadkii hore ka sheegay shir madaxeedka NATO ee ka dhacay magaalada Brussels, in dalkiisa uu ogaan doono dhawaan, ama toddobaadyo gudahood, in Ruushku dhab ka yahay nabadda iyo in kale.
Waxa uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo Trump uu ka carooday, in Kyiv iyo Moscow aysan u hoggaansamin heshiisyadii lagu gaaray wada-hadalladii hore ee uu Mareykanku maalgeliyay ee lagu joojinayay weerarrada labada dhinac ee ka dhanka ah kaabayaasha iyo xarumaha tamarta.