Saturday, July 5, 2025
HomeAll NewsFaahfaahin: 20 Askari oo Kenya Dhimasho & Dhaawac Kaga Noqday Qarax ka...

Faahfaahin: 20 Askari oo Kenya Dhimasho & Dhaawac Kaga Noqday Qarax ka Dhacay Mandheera.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qarax ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen, qeybo kamid ah gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ciidamo Keenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Ceel-qaalow iyo deegaanka Ceel-goolij ee gobalka Mandheera oo kamid ah dhulka NFD ee ay gumeysato Kenya.

Gaari Mutabiish oo ay la socdeen ciidamo badan ayuu haleelay qaraxa, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 7 askari oo katirsan Dowladda Kenya ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxaan, halka lagu dhaawacay 13 kale, iyadoo uu gabi ahaanba basbeelay gaariga uu qaraxu haleelay.

Isla saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro toos ah ka fuliyeen, qeybo kamid ah goballada Mandheera iyo Lamu ee ay gumeysato Kenya, kuwaas oo ay la beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Xukuumadda Nairobi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.