Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro cagmarin ah oo ay maanta aroortii hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xeryo ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin duleedka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Xeryaha la weeraray oo 2 ahaa ayaa waxa ay ku yaallaan deegaanka Bur-jaad ee dhaca duleedka magaalada Beydhabo, waxaana weerarada ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah udhigay, askarta katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo gurmad ahaan usoo aaday xeryaha cagta la mariyay, dib ayaana loogu celiyay Beydhabo iyagoo khasaare dhabarka ku sita.
Ugu yaraan 12 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weeraradaas, halka lagu dhaawacay 28 kale, waxaana jira maxaabiis, hub iyo agabyo millatari oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.