Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ka fuliyeen duleedka deegaan katirsan gobalka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Howlgalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay duleedka deegaanka Tardo ee gobalka Hiraan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay 6 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay weerarkaas, kuwaas oo midkood lagu magacaabo Muuse Maxamed Gees, halka lagu dhaawacay 6 kale.
Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta howlgalkaan kusoo furteen qori AK-47 ah oo ay wateen askarta weerarka lala beegsaday.