Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsFaahfaahin: In ka Badan 40 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday...

Faahfaahin: In ka Badan 40 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Dagaalladii Hiiraan.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaalladii maanta ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaan duleedka magaalada Buulo-burte, waxaana la helayaa magacyada saraakiil iyo askar la dilay iyo sido kale kuwo dhaawac ah.

Dhimashada ciidanka Dowladda Fedaraalka ayaa gaartay 18 isugu jira askar iyo saraakiil, kuwaasoo 9 kamid ah myedadkooda looga cararay goobaha dagaallada, waxaana kamid ah saraakiishan magacyadooda la shaaciyay oo kala ah:

1-Maxamad Guudow 2-Cilmi Cabdulle 3-Ciise Xasan Jiis.

Sido kale waxaan helnay qaar kamid ah magacyada askartii dagaallada lagu dilay oo kala ah:

1-Cusmaan Xasan Garaad, 2-Muumin Dacawo, 3-Xiirey Abuukar Caale, 4-Waqooyi.

Sido kale waxaa dagaalka lagu dhaawacay 26 askari oo kale, waxaana kamid ah:

1-Muuse Cadde, 2-Sacdi, 3-Maxamad Jeelle.

Waxaa intaasi sii dheer gaari Cabdi-bile ah oo uu lahaana Cali Jeyte ayaa la gubay dagaallada, iyadoo dhanka kale 5 qori oo AK47 ah laga soo furtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.