Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo maanta ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe, kuwaas oo khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyay askarta Dowladda Fedaraalka.
Dagaallada ayaa waxa ay ka kala dhaceen deegaanka Geelgub ee duleedka degmada Cadale, iyo duleedka degmada Aadan-Yabaal ee gobalka Sh-dhexe, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan 60 askari.
Dagaalladii ka dhacay deegaanka Geelgub ee duleedka degmada Cadale ayaa lagu dilay 25 askari, kuwaas oo qaarkood meydadkooda looga cararay goobta dagaaalka, halka dhaawacuna uu yahay 26 kale.
Sidoo kale waxaa faahfaahin laga helayaa weerar lagu qaaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa duleedka degmada Aadan-Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.
Tirada askarta lagu dilay weerarkaas ayaa gaartay 4 askari, iyadoona dhaawacu marayo 8 kale.