Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar cagmarin ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta aroortii hore ku qaadeen, xeryo ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee dhaca duleedka degmada Afgooye oo katirsan gobalka Sh-hoose.
Ugu yaraan 26 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, weerarkaan cagmarinta ah ee maanta aroortii hore lagu qaaday xeryihii askarta Dowladda Fedaraalka ee deegaanka Sabiid.
Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa, in weerarka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, waxaana xubaha la dhaawacay kamid ah Taliye ku xigeenkii ciidanka lugta ee Dowladda Fedaraalka General Cabdulaahi Aden xuseen Cirro.
Halkaan ka Degso Faahfaahinta Howlgallada