Wednesday, May 21, 2025
HomeAll NewsFaahfaahin Laga Helayo Madaafiicdii Maanta Lagu Garaacay Xerada Xalane.

Faahfaahin Laga Helayo Madaafiicdii Maanta Lagu Garaacay Xerada Xalane.

Faahfaahinta ayaa kasoo baxeysa madaafiicdii maanta ay ciidamada Xarakad Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen xerada Xalane oo ah talis ugu wayn ee ay shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaliya.

Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa ka dhashay weerarkan, waxaana lagu dilay 2 askari oo dalka Uganda udhashay, kuwaasoo ilaalo u ahaa hay’adda Qaramada Midoobay.

Sido kale duqeyntaan waxaa ku burburay bakhaar raashin uu ugu jiray askarta ilaalada ah ee uganda, iyo gaari booyad ah oo ay iska lahaayeen.

Qaar kamid ah madaafiicda ayaa sido kale ku dhacay safaaradda Faransiiska, guri ay deganaayeen shisheeye cadaan ah, iyo mid kamid ah gaadiidkooda, waxaana burbur uu soo gaaray safaaradda Faransiiska iyo guriga, halka gaarigu gubtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.