Wednesday, June 25, 2025
HomeAll NewsFalastiin Kadib Qubrus oo Laga Cabsi Qabo Inuu Noqdo Dalka 2aad ee...

Falastiin Kadib Qubrus oo Laga Cabsi Qabo Inuu Noqdo Dalka 2aad ee ay Yahuuddu Gumaystaan

Wargeys caan ah oo ka soo baxa Qubrus ayaa daaha ka fayday koror ku yimid iibsashada Yahuudda ee dhulalka iyo guryaha Qubrus, gaar ahaan kadib markii ay dhawaan iska hor imaadyo dhex mareen Yahuudda iyo Iiraan.

Wargeyska ayaa warbixin uu daabacay ciwaan uga dhigay “Waa sida inay Qubrus tahay dhul kale ee loo ballan qaaday Yahuudda… Maxay Yahuuddu u iibsanayaan dhulka Qubrus?”, waxa uu tilmaantay, in tirada Yahuudda ee ku nool Qubrus ay gaarayaan 15 Kun oo qof, Yahuudda imanaya jasiiradda ay ku dhow yihiin inay dhistaan ​​magaalo iyaga u gaar ah fara badnaan waxay ka qabaan awgeed.

Sida laga soo xigtay wargeyska reer Qubrus, dhaqdhaqaaqa Yahuudiga ah ee loogu yeera Xabaad ayaa waxa ay Qubrus ku leeyihiin lix guri, Kaniisad Yahuudi ah, goob ay carruurta ku xannaanaystaan, xabaal iyo gooba kale oo khaas u ah iyaga, taas oo muujinaysa sida ay Yahuuddu si qarsoodi ah kula wareegayaan waddankani kamid ah dalalka Muslimiinta laga boobay. Xabaad ayaana ah urur xag jir ah oo aan aaminsanayn jiritaanka Falastiiniyiinta, kuna baaqaya in laga saaro dhulka Falastiin ee la haysto, kana soo horjeeda heshiis kasta oo reer Falastiin ay kusoo ceshan karaan qayb ka mid ah dhulkooda.

Xubnaha ururka ayaa ku sugan dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Faransiiska, iyo Kanada, marka lagu daro Imaaraadka oo ay ka sameeyeen xarun ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah, taas oo ay ku jiraan Kaniisado iyo buugag ay ku qoran yihiin Tawraadka muxarrafka ah.

Dhanka kale, hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Qubrus ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay shirweynaha xisbigiisa ku sheegay, in Yahuudda ay iibsanayaan dhul ku yaalla dalkiisa iyadoo aysan dowladda dan ka lahayn. Waxa uu mas’uulkaas ku calaan calay erayo ay kamid yihiin “dalkeenii waa nalaga qaadanayaa, Yahuudda ayaa guumaysanayso”.

Waxa uu xusay ninkan oo hogaamiya xizbi mucaarad ah oo lagu magacaabo Akiil, in Yahuudda ay ka iibsanayaan hanti ma guurto ah meelaha xasaasiga ah ee khatarta ku ah amniga qowmiga ah ee dalkaas, iyaga oo si nadaamsan u aasaasaya iskuullo Sahyuuniyadda lagu barto iyo gooba ay cibaadadooda baadilka ah ku gutaan, xarumo dhaqaale oo muhiim ah iyo dhul ballaaran oo ka tirsan Qubrus.

Qoraalla ay xizbigaas mucaaradka ah soo dhigeen baraha bulshada intii ay ku guda jireen munaasabadda shirkooda, ayaa waxaa ka soo muuqday weedho ay ka mid yihiin: “Israa’iil cusub, iyo dawladda cusub ee ay Israa’iil gumaysan doonta”. Oo ay ula jeedan inay Qubrus noqon karto dalka labaad oo ay Yahuuddu gumaystaan Falastiin kadib.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.