Shirkad Shiinays ah oo macdanta dahabka ka soo saarta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa shaaca ka qaaday, in fallaagada M-23 ee Ruwaanda ay taageerto ay la wareegeen god laga qoda macdanta dahabka oo ay ku la heedahay gobolka Kiifuu ee bariga dalkaas, ayna ku qasbeen shaqaalahooda inay ku shaqeeyaan mushaar la’aan.
Shirkaddan Shiinayska ah oo lagu magacaabo Tuwaanghiza mayneegh ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in shaqaalaheeda qaab afduub ahaan ah loo hayso ayna xoog ku shaqeynayaan iyagoo ku jira xaalado bini’aadantinimada ka baxsan, waa sida ay warka u dhigtaye.
Shirkadda ayaa intaa ku dartay, in koox ka tirsan falaagada M-23 ay la wareegeen godka macdanta iyaga oo u wakiishay muwaadiniin reer Ruwaanda ah, kuwaas oo sheegtay, inay yihiin maalgashadayaal cusub oo gobolka ah.
Balse taas badalkeeda, dowladda Ruwaanda ayaa beenisay eedaymahaas, iyadoo af-hayeenka xukuumadda Ruwaanda, haweenayda lagu magacaabo Yuulandi Makulu ay sheegtay, in dalkeeda uusan wax xiriir ah la lahayn shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Tuwaanghiza ee ka shaqeysa gobolka Kiifuu, iyadoo carrabka ku adkeysay, in Ruwaanda aysan ku lug lahayn arrintan.
Ruwaanda iyo Koongo ayaa Jimcihii ina dhaafay heshiis nabadeed ku kala saxiixday magaalada Waashitoon ee caasimadda Maraykanka, kaas oo la filayo inuu soo nooleeya rajada laga qabo in la soo afjaro colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ee ay ku dhinteen kumannaanka qof, halka ay ku bara kaceen boqolaal Kun oo kale.
Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam oo garwadeen ka ahaa heshiiskan ayaa aad ugu hanwayn inay shirkadihiisa gaaraan bariga Koongo, kaas oo qani ku ah kheyraadka dahabka, kobaltiga, naxaasta iyo lithiyowm-ka.