Thursday, July 3, 2025
HomeAll NewsFaransiiska oo Isaga Baxay Saldhig Millatari oo in ka Badan 60 Sano...

Faransiiska oo Isaga Baxay Saldhig Millatari oo in ka Badan 60 Sano Kaga Sugnaa Dalka Senegal.

Ciidamada Faransiiska ayaa isaga baxay saldhig ciidan oo ku yaalla meel u dhow caasimadda Senegal ee Dakaar, taasoo qeyb ka ah ka bixitaanka ciidamadiisa ee dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika.

Safaaradda Faransiiska ayaa bayaan ay soo saartay shalay Talaadadii ku sheegtay, in Faransiiska uu ku wareejiyay dowladda Senegal xarun isgaarsiineed oo ku taalla magaalada Rufiska, oo u dhow caasimadda dalkaas, taasoo shaqeyneysay tan iyo sanadkii 1960-kii.

Xaruntu, sida lagu sheegay bayaanka, waxay mas’uul ka ahayd isgaarsiinta ciidamada Faransiiska ee ku sugnaa xeebaha koonfureed ee badwaynta Atlantikada tan iyo sanadkii 1960-kii.

Faransiiska ayaa horay uga insixaabay saddax saldhig oo waawayn oo ku yaalla dalka Senegal, waxaana la qorsheeyay, in dhamaadka bishan uu ciidamadiisa kala baxa dhammaan xarumaha millatariga ee dalkaas, Sida lagu sheegay bayaankan kasoo baxay Safaaradda Faransiiska ee dalka Senegal.

Tan iyo markii ay xoriyad ku sheegga ka qaadatay Faransiiska sanadkii  1960-kii waxay Senegal sii ahayd mid kamida xulafada Faransiiska ee uu aadka ugu kalsoon yahay ee ku sugan Afrika, balse Madaxweynaha Senegal ninka lagu magacaabo Bashiir Diimway, oo xilka qabtay sanadkii 2024-ka, ayaa ballan qaaday inuu Faransiiska ula dhaqmi doono si lamid ah dowladaha kale ee shishiiye.

Waxaa xusid mudan in Faransiiska uu ciidamadiisa kala baxay dalal badan oo Afrikaan ah, sida Maali, Burkiina Faaso, Niijr iyo Jaad. Marka intaasi lagu daro, inuu sanadkii 2024-ka, uu Faransiisku go’aansaday inuu dhimo tirada ciidamadiisa ku sugan Gaaboon, Senegal, iyo Eyferi koosti.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.