Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa maalintii shalay xukun xabsi ah iyo ganaax lacageed ku riday mid kamida A’imada masaajidda ee gudaha Faransiiska, kaas oo taageera u muujiyay Muslimiinta reer Falastiin, sada uu sheegay Wargeyska Luu Moonda ee ka soo baxa dalkaas.
Ismaaciil Binu Jiilali oo iimaam ka ah masjid ku yaalla magaalada Marsiiliyaa ee waddanka Faransiiska ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2 Kun oo Yuuro ah, kadib markii bog uu iimaamka ku leehay aaladda “X” ee horay loo oo oran jiray Tuwiitar-ka uu soo galiyay muqaal uu iska duubay sanadkii 2024-ka isagoo ku tilmaamaya weerarkii Duufaanta Al-Aqsa inuu ahaa is-difaacid.
Wargeyska Faransiiska ee Luu Moonda ayaa intaasi ku daray, in imaam Ismaaciil sidoo kale muddo shan sano ah laga qaaday waxa ay ugu yeereen xuquuqdiisa madaniga ah, isla markaana lagu biiriyay liiska waxa ay reer galbeedku ugu yeeraan argagixisada.
Taas bedelkeeda, Imaamka ayaa xukunka kadib saxaafadda u sheegay, inuu sii wadi doona hawlihiisa ku aaddan taageerada reer Falastiin waxa uuna bartiisa “X” soo dhigaya hadal ahaa “”Dabcan, isla marka aan difaacno Falastiiniyiinta, waxaa nalagu eedeeyay Yuhuud nacayb ama argagixisanimo laakiinse eedaymahaasi na aamusin maayaan.”
Wargeyska Luu Moonda ayaa sheegay, in taliyaha booliiska ee magaalada Marsiiliyaa ee dalka Faransiiska uu ku hanjabay inuu xiri doono masaajidka uu ka hawlgalo Imaam Ismaaciil kadib codsi uga yimid wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dalkaas.
Muslimiinta ku nool waddamada reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Faransiis ayaa wajahayo dhibaatooyin fara badan, iyagoo aanan si xuriyad leh u gudan karin cibaadaadkooda amaba uga hadli karin qadiyaadka Muslimiin ee waawayn oo ay kamid tahay tan Falastiin, iyadoo ruux kasto oo ka hadlo qadiyaadkaasi lagu tilmaamayo inuu yahay argagixiso.