Siyaasi ka katirsan maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in xerada Xalane ay tahay dowlad kale oo ka dhisan Soomaaliya, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dowladda Fedaraalku marka uu gelayo uu baaro nin shisheeye ah.
Faysal Cali Waraabe oo ah hogaamiyaha urur siyaasadeedka lagu magacaaabo Ucid ee ka dhisan dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland, ayaa sheegay in xerada Xalane tahay dowalad kale oo ka dhisan Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuudna marka uu gelayo la baaro.
Wuxuu Dowladda Fedaraalka ku sheegay iney dowlad ahayn, shisheeyaha Afrikaantuna ka baxayaan dalka, taasoo ka dhigan in kaaligood ay wajahaan masiirkooda, wuxuuna dhanka kale soo hadal qaaday weeraradii ugu dameeyay ee ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkaan ka Degso Warka Feysal Cali Waraabe