Gadiid badan oo xamuul ah oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa ku xanniban dalka Suudaan, kuwaas oo in muddo ah ku xaniiban dalkaas.
Gaadiidkaan ayaa waxa ay ka yimaadeen wadamo dhaca bariga Afrika, sida Kenya, Uganda, Ruwanda iyo Tanzania, waxaana tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 4,000 oo gaadiid ah.
Gancsatada ayaa wajahaya dil, dhac, xarig iyo xadgudubyo kale, waxaana jeelasha ku xira tiro ganacsato ah oo xabisga la dhigay.