Qaar kamid ah gaaadiidleyda ka howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay ka warrameen, dhibaatooyin kala duwan oo ay sheegeen iney ku qabaan wadooyinka burbursan ee magaalada.
Waxa ay tilmaameen in taasi ay sababto cillado ku yimaada gaadiidkooda, meeshii ay ku tagi lahaayeen 1 saacna ay ku tagaan 2 saacadood.