Weerar qarax ah ayay galabta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, gaari uu la socday taliyaha ciidamada Dowladda Fedaraalka ninka lagu magacaabo Odawaa Yuusuf Raagge, kaas oo marayay duleedka degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe.
Taliyaha ayaa ka badbaaday weerarka, hasayeeshee waxaa jira khasaare kala duwan soo gaaray ilaaladiisa, iyadoo uu burbur soo gaaray gaariga la beegsaday.
Illaa iyo hadda si rasmi ah looga ogo halka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaan qaraxa ah ee lala beegsaday taliyaha ciidamada Dowladda Fedaraalka