Tuesday, July 15, 2025
HomeUncategorizedGadiidleyda Muqdisho oo Dowladda Fedaraalka ku Eedeeyay Burburinta Wadooyinka.

Gadiidleyda Muqdisho oo Dowladda Fedaraalka ku Eedeeyay Burburinta Wadooyinka.

Darawallada ka xeeya gaadiidka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay iney burburisay wadooyinka Muqdisho.

Drawaladaan ka xeeya gaadiidka nuucyadiisa kala duwan islamarkaana isticmaala wadada isku xirta Zoobe ilaa KM4, ayaa waxa ay eedeymo kala duwan u jeediyeen Dowladda Fedaraalka.

Wadadaan oo burbursan ku dhawaad 20 maalmood, ayaa waxaa lasoo warinayaa in Dowladda Fedaraalka ay lunsatay lacago loogu tala-galay in lagu dayac tiro wadooyinka.

Qaar kamid ah darawallada ayaa waxa ay sheegeen iney dhibaato daran ku qabaan wadada, iyagoo Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay iney lunsatay, kadib markii ay qansaraaskaas siisay sharikado iyada wada shaqeyn la leh.

Halkaan ka Degso Warka Gaadiidleyda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.