Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa ku Dhawaaqay Shaqo Joojin, iyagoo TIlmaamay iney cabasho ka yihiin canshuuraha badan ee lagu soo rogay, iyo cadaadis uga imaanaya hay’adda Sirdoonka ee Dowladda Federaalka.
Warqad kasoo baxday ganacsatada gooblka Banaadir ayay ku sheegeen iney go’aan ku qaateen iney xiraan ganacsigooda, maadaama ay qaati ka taaganyihiin hanjabaad xiriir ah oo ay kala kulmayaan Hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka, iyo sidoo kale canshuuro xad dhaaf ah oo lagu soo rogay ganacsigooda.
Warqadda ay soo saareen ganacsatada oo soo baxday habeenkii xalay ayay maanta dhaqangeliyeen, waxaana xiran suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, iyo kuwa lamidka ah.