Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay, dilal loo geystay 2 kamid ah ganacsatada Soomaalida ah ee kuul gudaha dalkaas.
Dilka koowaad ayaa waxaa loo geystay Cabdillaahi Cilmi Cawaale oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur AAfrika, waxaana burcadda hubeysan ay ku dileen xaafad katirsan magaalada Cape Town ee gudaha dalkaas.
Dilkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo 2 maalmood kahor ay burcad Konfur Afrikaan ah dhaawac daran ugeysteen haweeney Soomaali ah oo lagu Saado, taas oo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.