Saacadihii lasoo dhaafay waxaa mid kamid ah xaafadaha magaalada Jigjiga laga helay meydka gabar yar oo 10 sano jir ah, taasoo dil iyo kufis lagula kacay.
Gabadhan la dilay ayaa lagu magacaabijiiray Ugbaad, waxaana la dhigay mid kamid ah isbitaallada Jigjiga iyadoo ay socdaan baaritaanno la xiriira dhacdadan.
Maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-Galbeed ayaa isku dadaya inuu duugo dhacdadan, isagoo ehelka gabadha ku qasbay ineysan ka hadlaan falalka foosha xun ee lagula kacay gabadhooda.
Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga cidda ka dambeysay dilka Ugbaad, balse wararku waxay sheegayaan in lagu tuhusan yahay dilkeeda iney ka dambeeyeen dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Jigjiga.