Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsGaroon ku Yaalla Yeman oo 10 Sano Kadib Billaabay Duulimaadyada.

Garoon ku Yaalla Yeman oo 10 Sano Kadib Billaabay Duulimaadyada.

Garoonka diyaaradaha Ar-Rayyaan ee magaalada Mukalla oo ku taalla gobolka Xadra-Mowt ee dhaca Bariga wadanka Yaman, ayaa maalintii Axadda waxaa ka duushaay diyaaraddii ugu horreysay  oo ka tegeysa magaalada Al-Qaahira ee dalka Masar, kadib muddo toban sano ah oo uu xirnaa.

Tan iyo 2015 ayuu xirnaa garoonkan, xilligaas oo ay Mujaahidiinta Al-Qaacida la wareegeen magaaladan, kadib markii magaaladan ay ka baxday gacantaa Mujaahidiintana waa uu sii xirnaa, iyadoo markii ugu horreysay 2023-kii ay halkaasi ka billowdeen duulimaadyo shisheeye.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Mukallah ayaa la sheegaa inuu yahay midka 3-aad ee ugu wayn garoomada diyaaradaha dalka Yaman, wuxuuna haatan dib ubillaabay duulimaadyadii caalmaiga ahaa ee uu sameyn jiray.

Magaalada Al-Qaahira oo kale waxaa Axad kasta tegidoona hal duulimaad oo ka baxay Mukalla, halka maalin kasta oo Jimcaha ay garoonka kasoo degayso diyaarad ka timid dhanka Al-Qaahira, sidaasi ayeyna isku dhaafsanayaan todobaad waliba.
Waxaa kale oo ay duulimaadyo ka baxay halkan aadi doonaan wadamada Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Marka laga soot ago garoonka, magaalada Mukalla markii ay 2015-kii gacanta ku hayeen Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul-Carab, waxay ahayd mid nabdoon oo dadkeedu haystaan nolol farxadi ku dheehan tahay, laakiin maanta waxay noqotay mid aad uburbursan oo ay la degtay xukuumadda Yaman ee halkaasi haysta, waxaana dhibaatooyinka shacabka magaalada haysta kamid ah korontada oo ay ku dhiban yihiin, ayna gacanta ku hayso xukuumadda taagta daran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.