Diyaarad rayid ah oo sidday Madaxweynaha Suudaan C/Fattaax Al-Burhaan ayaa maalintii shalay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan, taas oo noqonaysa diyaaraddii ugu horreysay oo rayid ah oo caga dhigata garoonkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday 14-kii bishii Abriil, ee sanadkii 2023-ka.
Iyadoo xeendaabka garoonka iyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ay ka mid ahaayeen goobihii ugu horeeyay ee ay ka dhaceen iska hor imaadyadii u dhaxeeyay ciidamada Suudaan iyo kuwa Taageerada Degdegga ah, maadaama garoonka uu u dhowaa taliska ciidamada Suudaan, taasoo keentay, inay beegsadaan maleeshiyaadka Dacmu Sariic ama RSF.
Janaraal C/Fattaax Al-Burhaan ayaa horay u booqday magaalada Khartuun isagoo watay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ka degtay garoonka diyaaradaha ee Khartuum muddo saddex bilood ah ka hor, kaddib markii ciidamada millateriga dalkaas ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Khartuum ee caasimadda waddanka Suudaan ee dhaca qaaradda Afrika.
Arrintan ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha Suudaan, Kaamil Idriis uu xaqiijiyay, in magaalada Khartuum si buuxda loogu dayactiri doono lix bilood gudahood. Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta maxalliga ah waxa uu intaasi ku daray, in dowladdu ay si tartiib tartiib ah u bilaabi doonto shaqada bilaha soo socda.
Dabayaaqadii bishii Maarso ayay ahayd, markii millatariga Suudaan ay ku dhawaaqeen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Khartuum, iyagoo intaasi ka hora lasoo wareegay xarunta madaxtooyada, wasaaradaha dawladda iyo goobo kale oo istiraatiiji ah.