Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere ayaa ka hadlay saameynta ka dhalatay xayiraadda duulimaayada ee ay Dowladda Fedaraalku ku hayso gobolka Gedo.
Wuxuu sheegay in saraakiishii dhawaan dhaawacyadii kasoo gaaray qaraxii Balad-Xaawo ka dhacay ay dayac udhinteen, isagoo tilmaamaya in maadaama ay garoomada gobolku xirnaayeen la waayay meel dhaawacyadooda diyaarad laga saaro.
Sido kale wuxuu sheegay in markii muqdisho la keenayna ay meydkiisa garoonka diyaaradaha laga soo qaadikari waayay.