Thursday, April 10, 2025
HomeAll NewsGolihii Xukuumadda ee Dowladda Maali oo Lakala Diray.

Golihii Xukuumadda ee Dowladda Maali oo Lakala Diray.

Hogaanka ugu sarreeya golaha millateriga ee haya talada dowladda Maali, ayaa maalintii shalay ahayd xilka qaadis ku sameeyay ra’uuslwasaarihii xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee ka hoos shaqeyneysay millateriga talada gacanta ku haya, kadib afgembigii ka dhacay dalkaasi.

Waxay sido kale shaqada ka cayriyeen dhamaan golihii xukuumadda ee kale isaga la shaqeynayay, iyagoo  muujiyay sida ay uga xun yihiin go’aan qaadashadeeda, iyo sida ay hubanti la’aan uga jirto waqtiga xukuumadda kumeel gaarka ah.

Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Taliska millateriga ah, oo uu saxiixan yahay hogaamiyaha haya talada wadankaasi, ayaa laga sii sii daayay talefashinaka dowladda ee Maali, waxaana akhriyay xoghayaha guud ee madaxtooyada.

Wareegtadan waxaa lagu yiri: ‘’ waxaa soo dhamaaday Shaqadii uu hayay Ras’iisul wasaaraha iyo xubnaha xukuumadda’’.

Xukuumaddan kumeel gaarka ah ee haatan talada laga tuuray, ayaa waxaa sanadkii 2021-dii magacaabay isla golaha Millateriga ee talada la wareegay, waxaana tan iyo xilligaas loo arkayay mid aan awood badan lahayn oo ay gacanta ku hayaan millateriga dowladdaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.