Dad gaaraya ku 39 ruux ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku shahiiday magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Jiida Qazza, kadib Markii ay duqeymo cadawtooyo la beegsadeen Yahuudda dhulboobka ah.
Waxaa intaasi sii dheer dhaawacyada oo ay ku jiraan tiro badan oo laga jaray xubnaha jirkooda sababo la xiriira dhaawacyada gaaray oo ahaa kuwo culus, halka dhanka kale ay reer Qazza wajahaan xaalad aad u adag islamarkaana waayeen waxyaabaha aas aasiga ah u ah nolosha.
Biyo la’aan iyo cuno yari ayaa ah kuwa wxyaabaha ugu daran ee ay la noolyihiin, iyadoo maamulka Yahuuddu uu beegsanayo ceelasha biyaha goobaha waxbarashada iyo caafimaadka, in ka badan 700 ceel oo ay Sahaayinadu burburisay ayaana joojiyay adeegii ay uhayeen.
Dhanka kale marba marka ka dambeysa waxaa sii badanaya tirada Shuhadada iyo dhaawacyada dadka Muslimiinta ah, iyadoo ay maalinkasta Yahuuddu leyneyso dad hor leh oo ubadan haween iyo caruur.
Tirada shahadada ee la dilay kadib markii uu burburay heshiis dhexmaray kooxaha muqaawamada iyo Yahuudda ayaa kor udhaafeysa 1,240 [kun labo boqol iyo afartan] sida laga soo xigtay ilo caafimaad, halka dhaawacyaduna ku dhowyihiin 3,000 [ sedax kun].
Dhinaca kale, Afhayeenka garabka Millateri ee Cizz-Ad-Diin Al-Qassaam Abu Cubeyda ayaa sheegay in kala bar baxaabiista ay ka ayaan Yahuudda ay ku sugan yihiin aag ay Sahaaniyadu doonayaan iney weeraraan, wuxuuna sheegay iney go’aansadeen inaaney ka saarneynin maxaabiista Yahuudda halka ay joogaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay ay halis ku tahay naftooda sida uu hadalkiisa ku xusay.