Monday, April 28, 2025
HomeAll NewsGumaystaha Yahuudda oo Dad Horleh ku Xasuuqay Marinka Qazza.

Gumaystaha Yahuudda oo Dad Horleh ku Xasuuqay Marinka Qazza.

Subaxnimadii hore ee maanta diyaaraha cadawga Yahuudda ayaa duqeymo ka fuliyay galbeedka magaalada Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza, waxaana lasoo warinayaa in dad aan cadadkooda la garanaynin ay shuhado iyo dhawac ku noqdeen duqetmahaasi.

Sidoo kale laba qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn ay ciidamada gumeystahay ku qaadeen deegaanka AZarqaa ee waqooyiga magaalada Qazza.

Galabnimadii shalay oo Sabtida ahayd, 12 ruux ayaa ku dhaawacmay duqeymo cirka ah oo ay Yahuudda ku qaaday teendho ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka magaalada Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza. Halka tiro kale ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo ay Sahaayinada la beegsatay guri dabaq ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Al-Bureej ee bartamaha marinka Qazza.

Ilo dhanka caafimaadka ah ayaana warbaahinta u sheegay, in 40 oo qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymaha uu gumaystaha ka waday Marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay.

Waxaa intaasi dheer, in dad goobjoogayaal ah oo ku sugan marinka go’doonsan ee Qazza ay soo sheegeen, in tirada dadka ku shahiiday duqeymihii ay shalay diyaaradaha Yahuuddu ay ku qaadeen guri ku yaalla xaafada Asabra ee koofurta magaalada Qazza ay kor u dhaaftay 40 ruux oo isugu jira kuwa la xaqiijiyay shahiidkooda iyo kuwa la’yahay, lana rumaysana yahay inay ku hoos jiraan bururka hoostiisa.

Geesta kale, ciidamada Yahuudda ayaa qirtay in labo sarkaal looga dilay dagaal ka dhacay marinka Qazza Jimcihii, qaar kalana looga dhaawacay, sida lagu sheegay bayaanno ay soo saareen militariga iyo booliiska Yahuudda fiidnimadii Sabtida.

Labada sarkaal ee la dilay ayaa midka koowaad lagu magacaabi jiray Iidoo Fuuluukh, waxa uuna ahaa taliye kooxeed ka tirsanaa ciidanka gaashaaman ee Yahuudda, halka midka labaadna lagu magacaabi jiraya Nitaa Yatisxaaq Kahanaa, , waxaa uuna isna ahaa sarkaal ka tirsanaa waxa loogu yeero booliiska xuduudaha ee Yahuudda.

Qirashada Yahuudda ayaa kusoo aadayso, iyadoo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay muqaawamada Falastiin baahinaysay muuqaallo muujinaya askarta Yahuudda oo lagu bartilmaameedsanayo gudaha marinka Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.