Ciidamada Yahuudda ayaa laba xasuuq oo cusub ka geystay bartamaha iyo waqooyiga Marinka Qazza subaxnimadii maanta oo Arbaco ah, iyagoo isku mar duqeeyay dhismayaal ay deggan yihiin dad rayid.
Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee maanta xasuuq cusub ka geystay guri ku yaalla deegaanka Safdhaawiy ee waqooyiga Qazza, gurigaas oo uu lahaa wariye kasoo warama marinka Qazza oo lagu magacaabo Usaama Al-Carbiid, waxaana xusuuqan ku shahiiday sideed qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo uu ku jira wariyahaas.
Warbaahinta Falastiiyiinta ayaa baahisay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dab ka kacay guriga qoyska Al-Carbiid, kaas oo ay beegsadeen diyaaraha cadawga Yahuudda, iyadoo ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ay sheegeen, in xubno badan oo qoyskiisa ka tirsan ay shahiideen.
TV-ga Al-Aqsa ayaa sheegay, in dad u badan carruur oo aan tiradooda rasmiga ah la garanaynin ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen duqeymo uu gumaystaha Yahuudda barqanimadii maanta la eegtay guri ku yaalla deegaanka Jabaliyal-Nazla ee waqooyiga marinka Qazza.
Weerar cirka ah oo ay diyaaradaha Yahuuddu maanta la beegsadeen guri ku yaalla magaalada Deyrul-Balax ee bartamaha marinka Qazza ayaa waxaa ku shahiiday, lix qof oo dhamaantood kasoo wada jeeda hal qoys, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAFA.
Sidoo kale, TV-ga Al-Aqsa ayaa sheegay, in diyaaradaha Yahuudda ay bartilmaansadeen teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku talla magaaladaas, duqeymahaas oo sababay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray dad rayidka ah oo aan waxba galabsanin.
Koonfurta marinka Qazza, labo qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday duqeymo iyo rasaasta ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen magaalada Cabasaan ee bariga Khaan Yuunis.
Dad goob-joogayaal ah ayaa kusoo waramay, in meydadka 3 shahiid la soo saaray, halka 46 dhaawac ahna ay soo gaareen Isbitaal ku yaalla magaalada Rafax, kadib weerar isugu jira madaafiic iyo rasaas ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen dad rayid ah oo raashin ku sugayay galbeedka magaalada Rafax.
Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa warbaahinta u sheegay, in 15 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymaha uu gumaystaha Yahuuddu ka fuliyay waqooyiga iyo bartamaha marinka Qazza tan iyo saqdii dhexe ee xalay, iyadoo Talaadadii shalay ay 28 qof oo rayid ah ku shahiideen duqeymihii uu gumaystaha Yahuuddu ka geystay marinka Qazza, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza.