Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday dhacdo mugdi badan uu ku jiro sida ay xaqiiqo ahaan udhacday.
Guri ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa laga helay meydka nin qurba jooga ahaa oo lagu magacaabijiray zakariye, waxaana xilli habeen ah gubtay guriga uu deganaa iyo ninka qudhiisa.
Dhacadadan ayaa dhacday habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay, waxaana xog sax ah laga hayn ninka dhintay iyo sida uu ku naf waayay.
Mid kamid ah dadkii wax ka ogaa dhacdadan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay xogta ka hayo arrintan.