Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsHaweenay Lagu Xiray Magaalada Jigjiga iyo Wiil Dhalinyaro ah oo Xukun Lagu...

Haweenay Lagu Xiray Magaalada Jigjiga iyo Wiil Dhalinyaro ah oo Xukun Lagu Riday.

Maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa xabsiga dhigay haweenay ay horay dhulkeeda uga boobeen, isagoo sidoo kale xukun ku riday wiil dhalinyaro ah.

Muddo hadda laga joogo 2 sano ayaa waxaa uu dab baabi’iyay suuq ku yaalla magaalada Jigjiga, waxaana lacago loo uruuriyay ganacsatadii suuqaas lasoo warinayaa in la leexsaday.

Suuqa gubtay ayay xoguhu tilmaamayaan in lasiiyay xubno udhaw hogaamiyaha maamulka ay Xabashidu ka dhisatay Soomaali-galbeed ninka lagu magacaabo Mustafa Cagjar, iyo masuuliyiin katirsan maamulkaas.

Haweenay kamid aheyd ganacsatadii ku hanti beeshay suuqa ayaa codsatay in dib loogu furo suuqooda si ay ugu ganacsadaan.

Cabashaas kadib waxaa haweeneyda soo weeraray ciidamada maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed, waxayna ku eedeeyeen kicin bulsho.

Sababta kaliya ee ay xabsiga ku muteysatay ayaa ah sida ay uga hadashay xaquuqda ka maqan, waxaana lagu xiray mid kamid ah xabsiyada ku yaalla magaalada Jigjiga.

Sidoo kale maxkamadda gobalka Faafan ee dhulka Soomaali-galbeed, ayaa waxa ay xukun ku riday Cabdi Baarood oo kamid ah dhalinyaro bil kahor uu xiray maamulka uu hogaamiyo Mustafa Cagjar.

Muddo sanad iyo bar ah ayay maxkamaddu ku xukuntay wiilkaan dhalinyarada ah, waxaana loo heystaa qoraal been abuur ah oo laga faafiyay, sida ay sheegeen dhalinyarada deegaanka.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo Mustafa Cagjar uu ku goodiyay iney qamcin doonaan bulshada ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed, islamarkaana ay xiri doonaan cid waliba oo ka hadasha xuquuqda ka maqan iyo dhibaatooyinka uu geysanayo maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulkaas.

Halkaan ka Degso Warka Soomaali-galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.