Wararka ka imaanaya dalka Sweden ee qaaradda Yurub ayaa ku waramaya, in haweeney kamid aheyd Soomaalida halkaasi ku nool lagu dilay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden.
Haweeneydaan oo aheyd kalkaaliso caafimaad laguna magacaabo Naciimo Bashiir Daa’uud, ayaa dilkeeda loo adeegsaday Mindi, waxa uuna ka dhacay meel keyn ah oo ku taalla woqooyiga magaalada Stockholm.
Naciimo ayaa xilligii la dilayay waxa ay saarneed gaari Bas ah, iyadoona kusii jeeday gurigeeda kadib markii ay ka timid goobta shaqada.
Gacan ku dhiiglaha oo gaariga Baska ah lasoo raacay haweeneydaan Soomaalida ah oo da’deeda lagu sheegay 28 sano ayaa dhowr jeer waxa uu Mindi ku duftay Naciimo, taas oo ugu dambeyn sababtay iney goobta ku geeriyooto.
Seynab Xasan oo ay asxaab ahaayeen gabadha la dilay ayaa sheegtay, in kahor geerideeda ay taleefan kuwada hadlayeen, mar qurana ay maqashay naciimo oo qeylineysa magacadeedana ku dhawaaqeysa, intaas kadibna ay weysay wax la hadla.
Boliska Sweden ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen ruuxa dilka ugeystay haweeneyda Soomaalida ah, kaas oo ay ku tilmaameen inuu yahay ruux dhimirka la’.
Muddo kooban oo ay gacana ku hayeen kadib ayay wararku tibaaxayaan in ay sii daayeen gacan ku dhiiglaha, tani oo ay walaac badan ka muujiyeen dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.
Sweden waxa uu kamid yahay wadamada reer-galbeedka ee lagu dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah, waxaana inta badan aad uyar amaba jirin in dambi lagu soo oogo ruux Gaal ah oo tacaddi ugeystay qof Muslim ah.