Dhawaan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay shaaca ka qaaday iney ka wareegtay guri leedahay haweeney lagu magacaabo Fahmo Warsame oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Saalax Xasan Cumar oo ah Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka oo akhrinayay digreeto uu ku saxiixan yahay Xasan Sheekh ayaaa sheegay, in ay la wareegeen guriga ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay ku andacoodeen in loo adeegsaday falal liddi ku ah amniga sida uu hadalka udhigay.
Fahmo Warsame oo ah haweeneyda guriga iska leh oo ka hadashay arrintaan ayaa sheegtay, in si bareer ah loo qaadanayo gurigeeda eedda loo jeedinayna ay tahay waxba kama jiraan.