Roob mahiigaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degaanka Timirshe oo hoostaga degmada Iskushuban ee gobolka Bari.
Daadad ka dhashay roobkan ayaa sababy in tog ku yaalla halkaasi uu qaado hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ugu dambeyn meydadkooda la helay, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.