Thursday, June 19, 2025
HomeAll NewsHaweeney Katirsan Baarlmaanka Mareykanka oo Sheegtay in Dalkaasi uu Noqday Mid Halis...

Haweeney Katirsan Baarlmaanka Mareykanka oo Sheegtay in Dalkaasi uu Noqday Mid Halis Badan.

Ilhaan Cumar oo ah haweeney katirsan Baarlamaanka Mareykanka oo wareysi bixisay ayaa waxa ay shaaca ka qaaday, in dalka Mareykanka uu maanta noqday mid kamid ah wadamada xun ee caalamka.

Haweeneydaan oo muddo fog dagaal xagga afka ah kala dhaxeeyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa ay sheegtay in madaxweynaha dalkaas uu Mareykanka ka dhigay meel halis badan.

“Waxaan ku soo koray nidaam kaligii taliye ah, laakiin xitaa marnaba maan arag wax la mid ah waxa hadda ka socda Mareykanka. Dalkii lagu tilmaami jiray hormuudka dimuqraadiyadda ee caalamka ayaa hadda u ekaaday mid ka mid ah dalalka ugu xun, iyadoo ciidamada millatarigu waddooyinka joogaan iyagoo aan wax tixgelin ah u haynin xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka.” ayay tiri Ilhaan Cumar

Waxa ay intaas ku dartay in Trump uu malaayiin dollar ku bixinayo sidii uu umuujin lahaa inuu yahay kaligii taliye fashilmay, taasina ay tahay mid naxlin leh oo dadka Ameerikaanka ah looga baahan yahay iney ka hortagaan sida ay hadalka udhigtay.

Halkaan ka Degso Warka Ilhaan Cumar

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.