Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsHaweeney Sheegtay Iney Xadgudub Kala Kulantay Saraakiil Katirsan Dowladda Fedaraalka.

Haweeney Sheegtay Iney Xadgudub Kala Kulantay Saraakiil Katirsan Dowladda Fedaraalka.

Haweenay kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in jirdil iyo xadgudubyo kale ay kala kulantay xubno katirsan Dowladda Fedaraalka.

Haweeneydaan oo kamid ah dadkii laga barakiciyay dhulka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay, in xubno katirsan Dowladda Fedaraaalka ay jirdil iyo dhibaatooyin kale ugeysteen.

Waxa ay sheegtay in sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka oo wata ciidan uu jirdil xooggan u geystay, waxaana ay sheegtay in haddii ay ka hadasho arrintaan loogu hanjabay in dhibaato ka weyn loo geysan doono.

Waxa ay sidoo kale sheegeen iney xireen qubno qoyskeeda kamid ah sidoo kalana xadgudubyo kula kalakaceen ilmaaheeda.

Halkaan ka Degso Warka Cabashada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.