Munaasabad ka dhacday deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa haweenka halkaas ku nool ay hadiyado ku wareejiyeen, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Hadiyadahan ayaa isugu jira agabyo kala duwan, kuwaasoo muhiimad gaar ah ugu fadhiya askariga, waxaana ay noqoneysaa markii labaad inta lagu guda jiro Ramadaan oo ay haweenka Kuunyo Barrow hadiyado wareejiyaan.