Dalka Faransiiska oo kamid ah wadamada Reer-galbeedka ee sida weyn looga neceb yahay Islaamka iyo Muslimiinta, ayaa waxaa marba marka ka dambeysa kusii xoogeysanaya mowjadaha Islaam naceybka ah ee ay geysanayaan dadka gaalada ah.
Haweenka Muxajabaadka ah ee u dhashay dalka Faransiiska ayaa waxa ay qeyb ka yihiin, dadka Muslimiinta ah ee loo colaadinayo diintooda darteed, waxaana qolyaha uu ku fogaaday Islaam naceybka ay kordhiyaan dhibaatada ay ku hayaan haweenkaas.