Tuesday, June 3, 2025
HomeAll NewsHay’adaha Reer Galbeedka oo Sheegay in Iiraan ay Sameysan Rabto Bambooyin Nukliyeer...

Hay’adaha Reer Galbeedka oo Sheegay in Iiraan ay Sameysan Rabto Bambooyin Nukliyeer ah.

Hay’adda tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah ayaa sheegtay, in dowladda Shiicada Iiraan ay ku dhowdahay inay yeelato 10 bam oo Nukliyeer ah, taas oo ku salaysan tayeynta Yuraaniyowmkeeda ee deg-dega ah, kaas oo ay samaysay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Warbixin ay soo saartay hay’addan ayay ku sheegtay, in kaydka tayaynta Yuraaniyowmka Iiraan uu kordhay boqolkiiba 50 saddexdii bilood ee la soo dhaafay, halka heerka wax-soo-saarkiisa la dardargeliyay boqolkiiba 60, kaas oo ku dhow heerarka in laga soo saaro bambooyin Nukliyeer ah oo galo khidmada militariga.

Gumaystaha Yahuudda ayaa arintaani ka qaylo dhaamiyay. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Beesha caalamku waa inay hadda tallaabo ka qaadaan sidii ay u joojin lahaayeen Nukliyeerka Iiraan.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.