Hey’adda loogu yeero maareynta musoobooyinka ee Dowladda Fedaraalka ayaa fadeexad culus kala kulantay dawooyin ay geysay degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.
Maalintii shalay waxaa baraha internetka aad u qabsaday, muuqaal fadeexad ku ahaa hey’adda Sodma ee taabacsan Dowladda Fedaraalka, taas oo dhawaan dhowr kartoon oo ay deeq ku sheegtay ka dajisay degmada Moqokori.
Markii kartuumada la furay ayaa lagu arkay waxyaabo ay yaabeen saraakiishii Dowladda Fedaraalka ee deeqda ka sugayay hey’adda, waxayna sheegeen in loo keenay qalabka cudurka Carona iyo dawooyin dhacay 2 sano kahor.
Mid kamid saraakiisha Dowladda Fedaraalka ayaa sharraxaad ka bixinaya waxyaabaha deeqda ahaanta ay ugu keentay hey’adda Soda.