Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsHeshiis Xabad Joojin ah oo La Dhex-dhigay Maamulka Yahuudda iyo Shiicada Lubnaan.

Heshiis Xabad Joojin ah oo La Dhex-dhigay Maamulka Yahuudda iyo Shiicada Lubnaan.

Ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda Natanyahu, ayaa ku dhawaaqay in golihiisa wasiirada ay qalinka ku duugeen heshiis xabad joojin ah oo dhexmara iyaga iyo ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbullaah.

Natanyahu ayaa tilmaamay iney jawaab adag ka bixin doonaan, tallaabo weliba oo jebin karta heshiiska oo uu qaado ururka shiiciga ah.

Kalimad uu jeediyay oo laga sii daayay warbaahinta Yahuudda ayuu ku sheegay, in wixii xilligan ka dambeeya ay awooda isugu geyn doonaan arinta Iiraan, isagoona digniin u diray Nidaamka Nuseyriyada Suuriya.

Heshiiska xabad joojinta ayaa waxaa dhex-dhexaadinayay Maraykanka oo dhinaca Yahuudda la safan, waxaana uu heshiisku dhaqan galkiisu billaaban doonaa saacado kadib.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.