Dawladda Hinduuska ah ee fadhigeedu yahay magaalada Niyuu-Dalhi ayaa dalkeeda ka masaafurisay boqolaal qof oo Muslimiin ah oo u dhashay Hindiya, kuwaas oo ay u tarxiishay dalka dariska la ah ee Bangaladheesh.
Ciidamada Hindiya ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen magaalooyin badan oo ay dagan yihiin dadka Muslimiinta ah ee u dhashay dalkaas, isla markaana ay dadka ku qasbeen in ay si khasab ah ugu talaabaan xadka uu dalkaasi la wadaago Bangaladheesh, kuwaas oo gaarayay illaa 200 oo qof oo muslimiin ah.
Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli ay jirto xiisad ka dhalatay weerarro ka dhacay gobolka Kashmiir oo lagu dilay dad badan, taas oo keentay in xukuumadda Hindiiska ah ee ka Talisa dalkaas ay shaaciso olole ballaaran oo ka dhan ah dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalooyinka waawayn ee dalkaas.