Xoghayaha arrimaha dibadda ee Hindiya ninka lagu magacaabo Fikraam Miisari ayaa u sheegay warfidiyeennada, in saacadihii la soo dhaafay ay diiwaangaliyeen waxa uu ku tilmaamay, xadgudubyada soo noqnoqday oo ka dhan ah hashiiskii ay kala saxiisdeen labada dowladood, isagoo carrabka ku adkeeyay, in ciidamadooda ay si habboon uga jawaabeen xadgudubyadaas.
Mas’uulkaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxa aan Bakistaan ka codsanaynaa in ay qaado talaabooyinka ku haboon si ay uga jawaabto xadgudubyadan oo ay si dhab ah oo masuuliyadi ku jirto u maarayso xaaladda”.
Bakistaan ayaa dhankeeda ka jawaabtay eedaymahaan loo soo jeediyay, iyada oo xaqiijisay, in ay ka go’an tahay dhaqangelinta xabbad joojinta. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Bakistaan ayaana sheegtay, in malatariga Bakistaan ay wadciga u maareeynayaan si ay mas’uuliyad ku dheehan tahay iyo is-xakameyn, iyadoo ku eedeysay Hindiya inay geysatay xad-gudubyo ka dhan ah xabbad-joojinta.
Eedaymahaan ay iswaydaarsadeen dowladaha Islaama-Baad iyo Niyuu-dalhi ayaa waxaa jirtaangooda xaqiijiyay mas’uuliyiin iyo saxafiyiin la hadlay wakaaladda wararka AFP.
Haddan ku hormarno dhanka Hindiyo waxaa Qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada Sariinagaar, oo ah magaalada ugu weyn qaybta ay Kashmir ka maamusho Hindiya, sida ay sheegeen saxafiyiinta wakaaladda AFP, kuwaas oo xusay, in laga shaqaysiiyay nidaamyada difaaca ee hawada.
Taas badalkeeda, qeybta ay Bakistaan ka maamusho gobalka Kashmir, laba sarkaal ayaa u sheegay isla wakaaladdaas, in ay jirto is rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsadeen ciidamada Bakistaan iyo kuwa Hindiya, kuwaas oo ka dhacay saddex goobood oo ku teedsan khadka muraaqabada ee u dhaxeeyo labadaasi dal.
Galinkii danbe ee shalay ayay ahayd, markii dowladaha Hindiya iyo Bakistaan ay ku dhawaaqeen, inay gaareen xabbad-joojin guud oo degdeg ah, iyagoo sheegay, inay xaaladda kusoo laaban doonta sideedii hore.