Wednesday, April 2, 2025
HomeAll NewsHogaamiyaha Imaarada Islaamiga ah oo Muslimiinta Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda.

Hogaamiyaha Imaarada Islaamiga ah oo Muslimiinta Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda.

Amiirka Imaarada Islaamiga Afqaanistaan Sheekh Mowlawi Hibatullaah AakhunZaadah ayaa soo saaray bayaan hambalyada Ciidul Fitril Mubaarak ku saabsan, kaasoo ku socda guud ahaan Muslimiinta caalamka, si gaar ah shacabka muslimka ah ee reer Afqaanistaan.

Furfurasho kadib wuxuu amiirka Imaarada Islaamia Afqaanistaan ku billaabay hadalkiisa “ Waxaan si kal iyo laab ah munaasabadda Ciidul Fitril Mubaarak ugu hambalyeynayaa dhamaan walaalaha reer Afqaanistaan iyo guud ahaan muslimiinta caalamka, Allaah waxaan weydiisanayaa inuu idin ka aqbalo soonka, qiyaamka, sadaqada, cibaadaadka, dadaallada iyo dhamaan acmaasha wanaagsan” ayuu yiri Sheekh Mowlahi Hibatullaah.

Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yiri Amiirka Imaarada Islaamiga Afqaansitaan “ walaalaha Muslimiinta kaalaya aan cusbooneysiineee ballanqaatka aan la galnay Allaah, ee ah inaynaan ku caasineynin islaamrkaana raaceynin sheydaanka, sidoo kalena u hogaansameyno Shareecada Allaah, oo aanu ku noolaaneyno nolosha adoomaha Allaah ee saalixiinta ah”.

Halkaan ka Degso Bayaan- Hambalyo Ciidul Fitri 1446- Hibatullaah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.